Caawinaadda mashaakilka caafimaadka dhimirka

Qof kasta oo inaga mid ah mar-mar ayuu dareemaa kurbo ama niyadjab. Haddii dareenka dhibaataddu ay sii socoto waxaa haboon in qofku caawimo raadsado. Tusaale waxaa haboon in qofku wax ka qabto culeyska is daba jooga ah inta aysan dhib u keenin hurdada uusana dareemin hami la’aan.

Heerka in qofku raadsado caawimo marka uu maskixiyan u baahanyahay caawimo way soo fududaaneysan sanadihii la soo dhaafay, laakiin haddana in badan ayaa kaligood ku ah dhibaatada xili dheer. Nolosha adag qof walba ayey ku abuuri kartaa fikir maskaxdiisa mash-quuliya waxaana dhici karta in qofka iyo xigaaladiisu aysan xalin karin dhibkaas. Marar xataa waxaa dhici karta in sabab loo waayo waxa keenaya dhibka marka ka eego xaaladda nolosha qofka ama taariikhdiisii hore.

Marka qofku uu dareemayo inuusan fayoobeyn una baahanyahay caawimo, waxaa laga yaabaa in sababo badan awgood ay ku adkaato siduu caawimo u raadsan lahaa. Dhibaatooyinka dhimirku si tartiib ah ayeey ku bilaawataa, waxaana laga yaabaa in qofka ay dhib ku noqoto inuu dareemo inuu caawimo u baahanyahay. Mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu qofku isdiid-siiyo, in dareenka dhibaatadu aysan sii yaraaneynin.

Raasashadda caawimada waxaa kale oo sii hakin kara in dad badan ay ku adagtahay in ay kala hadlaan arimahooda khaqsi, arrimaha noloshooda iyo kuwa u gaarka ah qof aysan aqoonin. Waxaa kale oo caqabad noqon kara qofkoo dareema qiimo-daro iyo rajo-xumo.

Tusaale waxaa laga yaabaa in qofka qaba niyadjab, inuu dareemo inuusan u qalmin daryeel ama in aysan faa’iido u laheyn. Sidoo kale waxaa arintaas la xiriira dhaqanka dadka finishka ah ee ku dhisan in qofku kaligiis wax is taro iyo cabsida ceebta oo ilaa xiligan lagu jiro saameyn leh.

In la raadiyo caawimo ama daryeel haboon ayaa laga yaabaa in ay qaadato waqti iyo dadaal badan. Haddana waa muhiin in qofku si dhiirannaan ah u raadsado daryeelka.

Way adagtahay in la xadido xiliga ay mudantahay in qofku raadsado xirfadle kaalmeeya, laakiin waxaa mudan in la xusuusto arimahna soo socda:

  • Adeega caafimaadka dhimirka waxaa loogu talogalay qof walba oo inaga mid ah, qof walbana xaq ayuu u leeyahay inuu helo.
  • Dareen ah inaad u baahantahay khabiir adeegan aqoon u leh ayaa ku filan inaad  la soo xiriirto.
  • Ma aha inaad dib u dhigto in aad la soo xiriirto adeegan haddii qofku ama qof qoyska ahi uu ku fikirayo inuu is haligo ama haddii qofku uu u dhaqmayo si qof waallan ama si guracan.

Adeega caafimaadka dhimirka sidoo kale waxaa bixiya tusaale xarunta caafimaadka, waaxda caafimaadka shaqaalaha, waaxda caafimaadka khaaska ah ee dhimirka, xarumaha caafimaadka sida qaaska ah loo leeyahay, meelaha gaarka ah ee caafimaadka dhimirka, kaniisada ama ururada, kuwaas oo abaabula ama gacanta ku haya adeegyo badan oo la xiriira caafimaadka dhimirka.